Maxaa dhacaya haddii aan maalinti seddex jeer wax la cunin? - BBC News Somali (2024)

Maxaa dhacaya haddii aan maalinti seddex jeer wax la cunin? - BBC News Somali (1)

Xigashada Sawirka, Getty Images

c*ntadu ma aha oo keli wax ay dadku si maalinla ah u cunaan oo uu jirku u baahan yahay, waxayna c*ntadu muhiimad u leedahay munaasabadaha kala duwan ee ay dadku isugu yimaaddaan sida Aroosyada, Ciidaha, Dhalashooyinka.

Waxtarka jireed iyo midka maskaxeed ee ay c*ntady qofka u leedahay ka sokoow waxay kaalin mug leh ku leedahay xiriirka bulshada dhexdeeda ka dhaxeeya.

Ujeeddooyinka ugu muhiimsan ee aan c*ntooyinka si maalinla ah ugu cunnana waxay kala yihiin inuu jirkeenna tamar iyo xoog inuu ka helo, isl-markaana c*ntadu ay xoojiso awoodda difaaca jirka.

Maxaa dhacaya haddii aan maalinti seddex jeer wax la cunin? - BBC News Somali (2)

Xigashada Sawirka, Getty Images

'Qofka waxa uu cuno ayaa ka muuqda'

Qofka howl maalmeedkiisa si firfircooni leh si uu ugu qabto cudurradana uu isaga difaaco waa inuu cunaa c*nta ku filan. Waxaana la isweydiin karaa c*ntooyinka isku dheelli tiran ee aan u baahannahay inaan cunno waa kuwee?

  • Soomaalida c*ntadee ayay caalamka ugu faantaa marka ay Itoobiya ku faanto Canjeero?
  • Makhaayad dadaal ugu jirta isu soo dhaweynta caruurta iyo waalidka

Cunnooyinka isku dheelli tiran oo noocya kala duwan ka koobmo waxay jirka ka caawineysaa inuu cunnooyinkaasi kala duwan uu ka helo tamarti ama nafaqadi uu u baahnaa.

"Khubarada cilmi baarista ku sameeyey liiska cunnooyinka isku dheelli tiran ee ay soo saaraan wey ku kala duwanaan karaan balse waxay ka siman yihiin in c*ntada aan cuneyno ay dhowr nooc ka koobnaato maadaamaa c*nta kasta macdin iyo wax ay la gaar tahay ay leedahay," ayuu yiri Dr Qaleab Baaye oo Sayniska Cunooyinka ku takhasusay oo wax ka dhiga Jaamacadda Addis Ababa.

"Markasta oo ay bataan noocyada c*ntada aan isticmaalno waxaa badanaya fursadda aan ku heli karno c*nto isku dheelli tiran oo jirkeenna wax u tarta."

  • Shanta c*nto ee mustaqbalka
  • c*nto maku dhedhemisay dhegaha?

"Qofka waxa uu cuno ayaa jirkiisa ka muuqdo. Jirkeennana inuu u noqda mid caafimaad qaba wuxuu u baahan yahay ugu yaraan 53 nooc oo macdin ama fiitaminno ah" ayuu yiri Dr Yihune Ayele oo wax ka dhiga Jaamacadda Dillaa.

"Dunida lagama helo c*nto ay macdinta iyo fiitaaminnada jirka uu u baahan yahay oo dhan ay u dhammeystiran yihiin marka inta karaankeenna ah waa inaan cunnoyinkeenna aan ka dhignaa kuwa isku dheelli tiran."

Maxaa dhacaya haddii aan maalinti seddex jeer wax la cunin? - BBC News Somali (3)

Xigashada Sawirka, Rick Madonik

Dr Yihune c*ntooyinka nafaqada leh uu ku talinayo iney dadku cunaan balse ay badsan waxaa ka mid hilib khudaar kala duwan lagu dhex kariyey ama khudaar cagaaran oo la socota iyada oo saliidda ama dufankana aad loogu yareynayo.

Wuxuuna intaa ku daray Hilibka in laga helo 70% maaddada Iron, halka khudaartana laga helo 17%.

Khudaarta, dheefta xoolaha, haruurka kala duwan, miraha kala duwan ee dufanka leh c*ntooyinka laga sameeyo ama ay la socdaan ayaa ka mid ah c*ntooyinka ugu nafaqada badan.

  • Iska ilaali siddeed c*nto oo sababi kara gaaska caloosha iyo dhibaatooyin kale
  • Jikada iyo c*nto karinta ragga Soomaalida!

Waxayna c*ntooyinkaasi ay ka mid yihiin 10-ka c*nto ee ay hay'adaha WHO iyo FAO ay ku dareen liiska c*ntooyinka caafimaadka jirka ugu wanaagsan.

Maxaa dhacaya haddii aan maalinti seddex jeer wax la cunin? - BBC News Somali (4)

Xigashada Sawirka, Getty Images

'Qofka oo c*nto ka dhargo ama maalinta seddex jeer cuno kama dhigno inuu qofka nafaqadi uu jirkiisa uu u baahnaa uu helay," ayuu yiri Dr Masresha Tesema oo ka tirsan machadka caafimaadka iyo cunnada ee dalka Itoobiya.

WHO waxay ku talisay 10-ka c*nto ee ku jira liiska c*ntooyinka nafaqada leh ugu yaraan 5 ka mid ah inaan 24-ki saaca aan cunno.

  • Haweeneey taratan c*nto cunis ku jirtay oo geeriyootay

c*ntooyinka caafimaadka jirka u wanaagsan ee ay khubaradu ku talinayaan inaan cunno waxaa ka mid ah khudaarta cagaaran, sida salarka, ansalaatada, kaarootka, yaanyada, digirta, ukunta, kalluunka, digaagga, hilibka. c*ntooyinka Karbohaydratka laga helo sida Bariiska, Baastada iyo Burka.

Qofkuna waa inuu marweliba maanka ku hayaa c*ntooyinka uu cunayo iney yihiin kuwa uu ka helayo Portien, iyo Tamarta.

Maxaa dhacaya haddii aan maalinti seddex jeer wax la cunin? - BBC News Somali (5)

Xigashada Sawirka, REDA&CO

"Daraasaad dhawaan la sameeyeyna waxaa lagu ogaaday dadka c*ntada meel ku wada cuno iney waxtar aad u weyn qofka u leedahay, iyada oo daraasaddu ay ka digtay qofka oo si boobsiis ah c*nto u cuno ay caafimaadka u wanaagsaneen," ayuu yiri Dr Qalab.

Haddaba maalinti intee jeer ayaa habboon inaan wax cunno?

Arrinta ku saabsan inta jeer uu maalinti qofku wax cuni karo waxaa ka taagan dood. Hase yeeshee, khubaro cunnooyinka ku takhasusay oo BBC u warramay waxay sheegeen inuu qofku maalinti seddex jeer wax cuno iney muhiimad badan laheen. Balse muhiimaddu ay tahay inuu jirkeenna nafqada uu 24-ka saac uu u baahnaa uu helo.

  • Shaqaale maqaayad oo xabsiga loo taxaabay kadib markii booliiska ay siin waayeen c*nto bilaash ah
  • Dad loo xiray c*nto ay ku sadaqeysteen darbi jiif

Arrinta ku saabsan inta jeer uu maalinti qofka wax cuni karana waxay la xiriirtaa qofka caafimaadkiisa iyo da'diisa. Carruurtase maalintii inta ay doonaan wax wey cuni karaa maadaamaa jirkooda uu soo korayo balse iyaga laftooda c*ntooyinka aan siinno waa iney yihiin kuwa nafaqo leh oo caafimaadkooda bilaya.

Maxaa dhacaya haddii aan maalinti seddex jeer wax la cunin? - BBC News Somali (6)

Xigashada Sawirka, KucherAV

Waxayna khubaradu hoosta ka xarriiqeen dhaqanka c*nta cunka seddexda wakhti ee Qureecda, Qadada iyo Cashada iney tahay arrin ay dadku iskala qabsadeen oo ay jirin wax ku wajibinaya qofka inuu maalinti seddex jeer wax cuno.

  • Niman c*nto macaan doontay oo milkiilihii makhaayaddu soo laayay
  • In kabadan 900 oo milyan oo tan oo c*nto ah ayaa la tuuraa sannad kasta

"c*ntooyinka jirka uu u baahan yahay waa inaa si maalinla ah u qaadanno, waxaana wanaagsan markasta oo aan gaajo dareenno inaan gaajada jirka ka bi'inno oo aan dhayalsan," ayuu yiri Dr Masresha.

Ugu dambeyntina qofka c*ntada uu 24-ka soconayo nooca ay tahay iyo inta jeer uu cunayaba waxay ku xiran tahay nooca shaqada uu maalinti qabto iyo awoodda dhaqaale uu qofku u leeyahay inuu helo c*ntooyin kala nooc ah oo iisu dheelli tiran.

Maxaa dhacaya haddii aan maalinti seddex jeer wax la cunin? - BBC News Somali (2024)

References

Top Articles
Latest Posts
Article information

Author: Lilliana Bartoletti

Last Updated:

Views: 6102

Rating: 4.2 / 5 (53 voted)

Reviews: 92% of readers found this page helpful

Author information

Name: Lilliana Bartoletti

Birthday: 1999-11-18

Address: 58866 Tricia Spurs, North Melvinberg, HI 91346-3774

Phone: +50616620367928

Job: Real-Estate Liaison

Hobby: Graffiti, Astronomy, Handball, Magic, Origami, Fashion, Foreign language learning

Introduction: My name is Lilliana Bartoletti, I am a adventurous, pleasant, shiny, beautiful, handsome, zealous, tasty person who loves writing and wants to share my knowledge and understanding with you.