Shan qodob oo caddeynaya in dumarku ay wax waliba ka jecelyihiin lacagta - BBC News Somali (2024)

Shan qodob oo caddeynaya in dumarku ay wax waliba ka jecelyihiin lacagta - BBC News Somali (1)

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dumarku waa sax oo waxa ay daneeyaan lacagta. Waliba waxa ay jecelyihiin in ay saaxiib dhow la noqdaan, haa, xitaa kuwa yiraahda lacagtu waxba maaha, kuuma iibin karto wax waliba sida farxadda.

Ragga, waxaa la sheegaa in shukaansigu uusan u macaanaan ama u qurux badnaanin haddii aysan jeeb buurneyn, waxana ay la kulmaan waqtiyo adag oo xagga shukaansiga ah. Waxa ay noqon karaan kuwo niyad jabsan waqtiyo badan.

Haddaba warbixintan qaybteeda hoose waxaa ku xusan shan qodob oo qeexaya daneynta dumarka ee lacagta, iyo sida ugu sahlan ee ay raggu u heli karaan haasaawaha ay u baahanyihiin iyagoo sameynaya dhaqaale abuur.

Diirad saarid

Hanti uruurintu waxay u baahan tahay diirad saarid iyo awood dheeraad ah, si aad ugu dambeyn u ogaarto waxa aad sameyn karto. Tani waxay si gaar ah muhiim ugu tahay haweenka raadinaya habka lacag sameynta.

Xataa dumarka xiisaynaya cilaaqaadka caadiga ah kaliya waxay door bidaan ragga yaqaan sida wax loo maareeyo ama dareemi kara baahida haweeneyda.

Qaababkan waxay qayb ka qaataan sameynta dhaqaale ay heli karaan ragga

Samaynta ganacsi guul leh

Helitaanka shaqo guul leh

Qodobka ugu muhiimsan ee halkan, waa in aadan haweenka u oggolaan in ay ku mashquuliyaan xilliga shaqada waliba haweeneyda aad xiriir wadaagga tihiin.

Dadka badankood waxa ay yirahdaan haweenku waxa ay u baahanyihiin dareen gaar ah iyo in aad waqti siiso, balse taas in kabadan, haddii ay tahay xaaskaga iyo haddii kalaba, marba haddii aysan gacantaada wax kasoo bixin, waa hubaal in aad si fudud ku weyn karto iyada.

  • Waa kuma amiirka cusub ee dalka Kuwait oo Soomaaliya xiriir dhow la leh?

  • Muxuu ka dhigan yahay dilka Macallin Ayman oo Maraykanku $10 malyan madaxiisa dul dhigay

  • Muxuu yahay isbeddelka lagu sameeyey sharciga Soo galootiga Midowga Yurub ee saamayn doona Soomaalida iyo muhaajiriin badan

Helitaanka lamaane ku haboon nolosha

Waxaa laga yaabaa in ay u ekaato in dumarku ay raadinayaan ragga lacagta leh si ay u noqdaan maalqabeen, laakiin taasi waa run. Saynisyahannadu arrintan waa ay rumeeyeen, dumarku waxa ay doortaan ragga lacagta leh si ay noloshooda u kaafiyaan una helaan daryeel wanaagan.

Taasi waxa ay la micno tahay in raggu ay u baahanyihiin in waqti badan ay ku bixiyaan isku filnaashaha dhaqaale ee naftooda si ay iyadana u dabaraan nolosha xaasaskooda ama ay u caawiyaan gabadha ay la haasaawaan.

Shan qodob oo caddeynaya in dumarku ay wax waliba ka jecelyihiin lacagta - BBC News Somali (2)

Farxadda iyo buuq yarida

Waxaa laga yaabaa inaad la yaabto sababta xitaa dumarka lacagtooda haysta ay u daneeyaan inta lacag ee uu ninku sameeyo?

Haweenka ayaa haddii ay yihiin kuwo shaqeysta waxa ay jecelyihiin in aan marnaba laga fara gelinin lacagohooda gaarka ah, illaa garashadeeda mooyaane.

Khubarrada intooda badan waxa ay sheegeen, in ninka hoygiisa ay farxad ka abuurmi karto haddii uu daboolo dhammaan baahiyaha guriga kajira, sidaas si lamid ah haddii uu u gacan furnaado qalanjada uu la haasaawayo waxa ay taa beddelkeeda ku dadaali kartaa sidii ay wax ka careysiiya uga ilaalin lahayd ninka, amaba in ay kala xishooto in ay weydiiso waxyaabo badan oo labadooda kadhex abuuri lahaa buuq iyo isku dhac.

Qanacsanaan la’aan

Lacagtu kuuma iibineyso farxad, caafimaad, waqti iyo waxyaabo kale oo badan isla markaana muhiim ah, hase yeeshee waxa ay noloshaada ka caawin kartaa waxyaabo badan oo aad u baahantahay.

Lacag la'aantu waa mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee walaaca ku haya dad badan, sida lagu sheegay daraasaddan ay samaysay Northwestern Mutual. Cadaadiska maaliyadeed ama xasillooni-darrada waxay keeni kartaa deggenaan la’aan iyo cabsi.

Xilliga haasaawaha shukaansigu waa inuu noqdaa mid madadaalo leh. Way adag tahay inaad madadaalo iyo farxad qaadato haddii aad ka walwalsan tahay arrimo lacageed. Dumarku ma xiiseeyaan nimanka niyadda ama shucuurtooda aan degganayn, sidaa si lamid ahna ma jecla in ay dareemaan in ay ku heysato dhibaato dhaqaale.

Shan qodob oo caddeynaya in dumarku ay wax waliba ka jecelyihiin lacagta - BBC News Somali (3)

Hamiga iyo kalsoonida ayaa ah laba ka mid ah sifooyinka ugu sarreeya ee dumarku ka raadiyaan ragga. Ka shaqeynta kuwan waxay kaa caawin doontaa inaad noqoto mid soo jiidasho leh iyo nooca ragga ee dumarku ay raadiyaan.

Xaaladda

Taariikh ahaan, marka ay noqoto dhinaca guurka, haweenku waxa ay jecelyihiin in ay guursadaan ragga lacagta leh, hase yeeshee taa mid lamid ah waxa ay dadaal badan ku bixiyaan in inku uu noqdo mid meel iskasoo saara oo qurux badan dhinac dhaqaale iyo dhinac nololeedba.

Marka la eego dhinacan, lacagtu waxay ka dhigan tahay xaalad muujinaysa dhaqdhaqaaqa bulshada, helitaanka faa’iido, badbaadada, iyo dhammaan qodobbada aan daboolnay ilaa hadda.

In kasta oo dumar badan oo casri ah ay leeyihiin habab u gaar ah oo ay ku helaan xasillooni dhaqaale, haddana waxay raadiyaan ragga inay sidaas oo kale sameeyaan ama dhaqaale ahaan ka wanaagsan yihiin. Dumarka ugu fiicanna waxay raadinayaan rag horay usii socodsiin kara wixii ay hore u dhiseen oo u gudbin kara heerka xiga.

Shan qodob oo caddeynaya in dumarku ay wax waliba ka jecelyihiin lacagta - BBC News Somali (2024)

References

Top Articles
Latest Posts
Article information

Author: Velia Krajcik

Last Updated:

Views: 6104

Rating: 4.3 / 5 (54 voted)

Reviews: 93% of readers found this page helpful

Author information

Name: Velia Krajcik

Birthday: 1996-07-27

Address: 520 Balistreri Mount, South Armand, OR 60528

Phone: +466880739437

Job: Future Retail Associate

Hobby: Polo, Scouting, Worldbuilding, Cosplaying, Photography, Rowing, Nordic skating

Introduction: My name is Velia Krajcik, I am a handsome, clean, lucky, gleaming, magnificent, proud, glorious person who loves writing and wants to share my knowledge and understanding with you.